XOG.Muhiim ah Jahwareer ka taagan magacaabista Guddiga Doorashoyinka Galmudug

1546

Murun iyo isjiid jiid xoogan ayaa Weli  ka taagan soo magacaabista Guddiga Doorashada Maamulka Galmudug, iyadoona arintan laga dareemayo deegaanada Gobalada Galgaduud iyo Mudug.

Odayaasha dhaqanka ee ka soo kala jeeda Magaalooyinka Hobyo, Gaalkacyo, Cadaado iyo Balanbale ayaa Ku doodaya in dowladda Soomaaliya ay fara gelin xoogan Ku hayso dhisamaha Maamulka Galmudug.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wado qorsho uu Ku magacaabayo Guddiga Doorashada Maamulka Galmudug.

Guddiga matalaya beelaha Habargidir ee ka yimid Magaalada Hobyo ayaa cabasho ka muujinaya hanaanka ay dowladda Soomaaliya Ku magacaabayso Guddiga Doorashada Maamulka Galmudug.

Jahwareer siyaasadeed ayaa xiligan ka taagan magacaabista Guddiga Doorashada iyo soo xulista xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Galmudug.
Beelaha dega Galmudug ayaa xiligan qaba walaac xoogan oo Ku aadan dhismaha Galmudug oo ay doonayso dowladda Soomaaliya