XOg;- Shirka Dib uheshisinta Beelaha Galmudug oo qarka usaran in uu Burburo.

1510

Guddiga dib u heshiisiinta beelaha dega Galmudug ayaa odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda Cadaado u sheegay in arimaha Cadaado aan looga hadlo doonin shirka inta uu socda.

Xubno ka tirsan Guddiga ayaa ii sheegay in Guddiga ay sidoo kale odayaasha u sheegeen in wixii tabasho ah oo ay qabaan reer Cadaado uu xalin doono madaxweynaha cusub ee la doorto.

Wararka waxaa ay intaasi Ku darayaan in dowladda Soomaaliya ay Ku raacday go’aanka ka soo baxay Guddiga dib u heshiisiinta beelaha dega Galmudug.

Ilo madax banaan ayaa sheegaya in odayaasha ka soo jeeda Cadaado ay saacadaha soo aadan ka hadli doonin go’aanka ka soo baxay Guddiga dib u heshiisiinta beelaha dega Galmudug.

Shirka dib u heshiisiinta beelaha dega Galmudug ayaa xiligan waxaa uu wajahayaa culeys fara badan, iyadoona Guddiga dib u heshiisiinta Galmudug ay wadaan qorshihii ugu dambeeyay ee loo soo gabagabeyn lahaa shirkaasi