XOG:- Xaasaasi Ahmed Madoobe. Oo Joojiyay wafdi ka Socoday Farmaajo.

1572

Warar hoose oo ay haleyso mareegta Halqaran.com, ayaa sheegaya in dowlad goboleedka Jubbaland ay joojisay wafdi u duuli lahaa magaalada Muqdisho.

Wafdigan oo isugu jiray wasiirro iyo xildhibaanno heer federaal  iyo mid goboleed ayaa waxa dowladda federaalka ah kala xaajoonayaan xariga wasiirka amniga Jubbaland ee Cabdirashiid Janan.

Wasiir Janan, ayaa xabsi ku yaalla magaalada Muqdisho ku jira, tan iyo koowdii bishan September, welina wax maxkamad ah kama soo muuqan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in baaqashada wafdigan ay ka dambeysay, kaddib markii madaxweyne Axmed Madoobe uu go’aan ku gaaray in uusan wax waan-waan ah geli doonin, uu adeegsan doono codkiisa, sida uu hadalka u dhigay.