Xog:- Xilka Cusub Ee Loo Magacaabayo Saadaq Joon Iyo Ninka Booskiisa Lagu Badalayo Oo La Helay

3158

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Warbaahinta Mustaqbal ayaa sheegeysa in xilkii laga qaaday Taliyaha Booliska gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon), kaasoo xilka hayay 13 Bilood oo kaliya.

Sida wararku sheegayaan, Xilka qaadistan ayaa ku timid la tashiyo mudo dheer socday oo madaxda sare ee dalka la sameeyeen Saadaq Joon oo saameyn muuqata ku leh gobolka Banaadir, waxaana wada tashiyada ay soo dhamaadeen inta aan madaxweynaha u duulin dalka Mareykanka.

Taliye Saadaq ayaa la sheegay in loo soo jeediyay laba xil oo uu midkii uu rabo doorto, si loogu magacaabo marka laga wareejiyo booska uu haatan ku fadhiyo ee ah Taliyaha qeybta guud ee Booliska.

Xilalka ayaa kala ahaa inuu noqdo Taliyaha Ciidanka Lugta ee Xoogga dalka, kaasoo uu dhawaan baneeyay Jeneraal odowaa Yuusuf Raage, markii loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka, xilka kale waa inuu qabto Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya.

Ilaha warkan aynu ka soo xiganay ayaa Mustsaqbal u sheegay in Saadaq Joon uu ogolaaday inuu qaato xilka Taliyaha Ciidanka Lugta ee Milatariga Soomaaliya, kaasoo aan howshiisa sahlaneyn, waxaana la filayaa in digreetada magacaabistiisa ay soo baxdo maalmaha soo socdo marka uu dalka dib ugu soo laabto madaxweyne Farmaajo.

Wararku waxa ay intaasi ku sii darayaan in booska Taliyaha qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir loo wado Sarkaal dhalinyara ah, kaasoo lagu magacaabo Mahad Koroow, Mahad waxa uu haatan yahay Taliyaha Ciidanka ilaaliya Aqalka dowladda Hoose oo Gudoomiyihiisii lagu dhex dilay weerarkii Shabaab ee 24-kii July.

Saadaq Joon waxa uu si weyn magaciisa reer Muqdisho u barteen 8-dii May, sanadkii 2017, xiligaas oo loo soo magacaabay Taliyaha Nabad Sugida gobolka Banaadir, waxaa xiligaasi laga soo wareejiyay Galmudug oo uu ka haa Taliyaha Sirdoonka maamulkaasi.

Sanad kadib markii la baabi’iyay Ciidankii NISA ee gobolka Banaadir, Saadaq Joon waxaa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska gobolka Banaadir 29-kii July sanadkii hore ee 2018, isagoo la soo wareegay askartii NISA ee dhalinyarada u badneyd, kuwaasoo uu dhamaantood ku wareejiyay Taliyayaasha Saldhigyada 17-ka degmo ee magaalada Muqdisho iney hoggaamiyaan.

Saadaq Joon oo ah nin dhalinyaro ah ayaa isbedelo muuqda ku sameeyay muuqaalka Ciidanka Booliska, isagoo inta badan dhalinyarada Booliska ah kala dagaalamay iney Balwad yeeshaan, wuxuuna xabsiyada dhigay Ciidan badan oo askartiisa ah markii lagu ogaaday iney balwad si hoose u isticmaaleen.

Wuxuu sidoo kale askarta kula dagaalamaa iney dareeskooda Ciidan iska siibaan xiliyada shaqada, xitaa wuxuu canaan kala duldhacaa askariga Buudka aan ku soo aadin shaqada ee kabaha Sandalka xirta, wuxuuna inta badan kormeer aan laga sii warqabin uu ku tagaa Saldhigyada si uu u soo ogaado shaqada ay hayaan Taliyayaashiisa.

Waxa ay aad isugu dhow yihin madaxda ugu sareysa ee dalka, si gaar ah waxey saaxiibo dhaw yihiin Ra’iisul Wasaaraha dalka Xasan Cali Khayre oo aan ka diidin inta badan dalabaadkiisa, Saadaq, waxa uu haatan ku sugan yahay dalka Mareykanka, wuxuuna qeyb ka yahay wafdiga Madaxweyne Farmaajo ee ka qeyb galeysa shirka Qaramada Midoobe ee magaalada New York.

Xigasho Radio Mustaqbal