Xoghayaha fulinta urur goboleedka IGAD oo Muqdisho tagay

59

Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi heer sare ah oo ka socda urur-goboleedka IGAD.

Wafdigan oo uu hoggaaminayo xoghayaha fulinta urur goboleedka IGAD Workneh Gebeyeh ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhaweeyay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Macallin Fiqi.

Wafdiga ayaa waxaa intaas kadib loo galbiyay xarunta wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, halkaasi oo ay hadda kulamo uga socdaan wasiirka arrimaha dibadda iyo xubnaha uu horkacayo xoghayaha fulinta IGAD.

Sidoo kale waxay ay wafdiga Workneh Gebeyeh kulamo la qaadan doona madaxda sare ee dalka, si ay uga wada-hadalaan xaaladda ka taagan Geeska Afrika iyo tan ka dhex jirta urur-goboleedka IGAD.

Dhinacyadan ayaa sidoo kale waxaa la filayaa in kulankooda looga hadlo xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ee salka ku haysa is-afgaradkii sharci darrada ah ee xukuumadda Abiy ay la gashay Somaliland.

Soomaaliya ayaa diidmada heshiiskan oo xad-gudub ku ah qarannimadeeda gaarsiiyay saaxiibadda iyo caalamka, iyada oo si weyn uga hortimid in Itoobiya loo gacan geliyo qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya.

Si kastaba, Soomaaliya oo xubin ka ah ururkaan ayaa xaq ku leh inay ka dhex sheegto waxyaabaha ay dooneyso ama inay ka dhiidhiso arrimaha dhibaatooyinka ku ah waana tan abuurtay in wafdiga IGAD ay soo gaaraan magaalada Muqdisho.