Xoghayihii Xisbiga Himilo Qaran oo shaaciyay arrin laga damacsanaa uu diiday

1816

Xildhibaan Cabdi Xakiin Macalin Axmed oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa ka hadlay Go’aankii Xisbiga Himilo Qaran uga saareen xubinnimada xisbiga, isaga oo ahaa Xoghayaha Xisbiga,waxaana uu sheegay in go’aankaas uu soo dhaweynayo,hayeeshee uu eedeyn u jeediyey Xubno kamid ah Xisbiga Himilo Qaran

Waxaa uu shegay in Xubno kamid ah Xisbiga ay iska aragti ka noqon waayeen Arrimaha Galmudug,isaga oo sheegay in Xubno kamid ah Xisbiga Himilo Qaran ay colaad ka abuurayaan deegaannnada uu kasoo jeedo ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

“Xubnaha Xisbiga qaarkood waxaan aad ugu kala aragti duwanaanay isku day ay wadaan siyaasiyiinta qaarkood oo ah in colaado laga huriyo deegaanka aan anigu matalo ee Dhuusamareeb, iyo guud ahaan Galmudug, si fowdadaas looga dhex raadiyo dana siyaasadeed oo aan u arkayay in aysan deegaanka dani ugu jirin ayuu yiri”Xildhibaanka.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka mideysan yihiin arrimaha ku saabsan dhismaha Dowlad Goboleedka Galmudug,hayeeshee Xubnaha Xisbiga qaar u cuntami weysay,waxaana uu mar kale beeniyey in Ciidan Itoobiyaan ah oo aan kamid aheyn AMISOM la geeyey dhuusamareeb`,isla markaana taasi aysan ogolaaneyn.

“Majiro ciidan itoobiyaan ah oo aan kan AMISOM ahayn oo dhuusamareeb jooga, laakiin waxaan rabaa in aan caddeeyo Marnaba in aanan raalli ka noqonaynin, in Ciidan Itoobiyaan ah iyo mid kale toona ay farageliyaan nidaamka doorashada ee Galmudug, sidoo kalana lama aqbali karo in buunbuunis iyo been abuur lagu dhaawaco hannaanka dib u heshiisiin iyo doorasho ee galmudug ayuu sii caaciyey hadalkiisa”Xildhibaanka.

ka sokow in uu soo dhaweeyey Xildhibaan Cabdi Xakiin Go’aanka ay xubnaha xisbiga Himilo Qaran ay ku sheegeen inay xubinimadii Xisbiga ay ka qaadeen ayaa hadana waxaa ay u muuqataa in Xubnaha Xisbiga aysan isku aragti ka aheyn Arrimaha ka socda Galmudug.