XOG,HORDHAC,AH Ahlusuna oo Sharuud Adag ku Xirtay Dhismaha Galmudugta Cusub

1721

Raysulwasaaraha XFS Kheyre iyo Madaxda ahlusunna ayaa lasoo Warinayaa in ay ka wadda Haldeen Arimahaasi iyadoo ahlusunna Codsatey 3 Qodob oo Kala ah
1_in Dowladu Ogolaato Tiradii Baarlamaanka ee Ahlusunna iyo in Gudigga Doorashooyinka Dib loo soo wada Dhiso
2_in Ciidamada Dowlada kuwooda milariga laga saaro Guddaha Magaalada
3_ iyo in Ciidamada muqdisho ka yimid Dib loo Celiyo oo Amaanka loo Dhiibo Nabadsugida iyo Booliska

Sadexdan Qodob Ayay Xukuumadu Dhageysi kadib codsatey in ay Xal u Heli doonto Balse xaaladu sii Daganaato inta Raysulwasaaruhu ka Imaanayo Dhuusamareeb maapmo gudohood isagoo Raysulwasaaruhu Ahlusunna ku Qanciyay in Ciidamada la keeney ay yihiin ilaaladiisa maadaama uu soo socdo , Waxaana Dalabkaasi u Dhag Raaraciyay Madaxda Ahlusunna

Dhanka Dhaqanka Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas nuur oo ah Masuulka guud dhanka Dhaqanka ee Deegaanka ayaa La Kulmey Sh shaakir iyo Wasiirka Arimaha Guddaha Sabriye isagoo kala Hadley ilaalinta Nabadgalyada iyo Xasiloonida waxaana Labada dhinacba ay muujiyeen sida ay Diyaarka ugu yihiin in ay wada Hadlaan si Daah furan.

Xaalada ayaa ah Mid aad uga Wanaagsan Dhowrkii Maalmood ee Hore waxaana muuqata Rajo isku soo Dhowaansho iyo in Dhinacyadu ka Baaqsanayaan Dhaqdhaqaaq walba oo keeni kara kala shaki iyo xasilooni daro.