DHAGAYSO:-Xubin ka tirsan Guddiga doorashada federaalka oo diiday kuraasta la laalay

1240

Yuusuf Maxamed Khayre (Guurow) oo ka Mid ah Gudiga hirgelinta Doorashooyinka heer Fedaraal ayaa ka hor yimid go’aankii ka soo baxay guddigaasi ee ahaa in lagu noqonayo doorashada kuraasta tirsigooda yahay Hop154 iyo Hop103 ee ka dhacday Baydhabo

Guurow ayaa sheegay inaan lagu noqonaynin doorashada kuraasta Hop154 & Hop103 inkastoo Raisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xussen Rooble uu soo dhaweeyay in go’aanka guddiga.

Waxaa uu sheegay in kursiga Hop103 ay beeshi laheyd u diiday in loo xiro Prof. Jawaari oo sidaas doonayey, horeyna ugu fadhiyey kursigaas, wuxuuna xusay ineysan jirin cid ka hor joogsatay inuu tartamo, wuxuuna cabashiisa ku sifeeyey mid aan xaqiiqo aheyn.

Kursiga Hop154 oo ay ku guuleysatay xildhibaan Sareedo oo horey ugu fadhiday, kaasoo ka md ahaa kuraasta la laalay ayuu sheegay Guurow iney sax tahay in gabadha malxiiska aheyd ee la tartantay ay aheyd mid aan qaangaarin, balse waxaa uu xusay in qaladkaas uusan aheyn mid mid weyn.

Yuusuf Maxamed Khayre (Guurow) oo ka Mid ah xubanaha koonfur galbeed ugu jira Gudiga hirgelinta Doorashooyinka heer Fedaraal ayuu hadalkiisu u muuqdaa mid lagu carqaladeynayo go’aanka ka soo baxay guddigaas.