Xubnihii uu magacabay Cabdi Xaashi oo qaadacay doorashada berri

913

Garab ka mid ah Guddiga doorashada Somaliland ayaa diiday inay berri ka qeyb galaan doorasho uu iclaamiyey xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble, taas oo loo qorsheeyey inay ka dhacdo Teendhada Afisyooni.

Doorashadaan ayaa la doonayaa in loo qabto xubnaha guddiga oo gaaraya 11-qof, si hoggaankooda ay isaga dhex-doortaan, balse laba garab ayuu u kala jabay guddigu.

Xubnaha diidan inay ka qeyb galaan doorashada la qorsheeyey in berri lagu qabto Afisyooni ayaa ah afartii uu soo magacaabay guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo hoggaaminaya mid ka mid ah labada garab oo ay u kala jabeen siyaasiyiinta reer waqooyi.

Afarta xubnood ee guddigaas uu ku leeyahay garabka Cabdi Xaashi ayaa shuruud ku xiray ka qeyb galkooda doorashada berri, waxayna shaaciyeen in doorashadaas ay qeyb uga noqon karaan laba qodob midkood.

1 – Inay guddoonka u codeyaan 8-xubnood oo doorashada aysan ka qeyb gelin xubnaha uu Rooble soo magacaabay.

2 – Iyo in wadahadal iyo heshiis dibadda ah oo lagu dhammeeyo muranka jira doorashada ka hor.

Qoraal war-gelin ah oo galabta uu baahiyey guddiga doorashooyinka qaranka ee heer federaal ayaa lagu adkeeyey balankii ahaa in Sabtiga berri ee 7-da Agoosto la qaban doono doorashada guddoonka guddiga maamulaya doorashada kuraasta baalamaanka federaalka ee gobollada waqooyi.

“Doorashada Guddoonka Guddiga Maamulka doorashadda kuraasta labada aqal ee Somaliland waxa lagu qabanayaa Teendhada Afisiyoone , Sabti 10:00 Am, oo ku beegan 7-Aug-2021. Waxa lagu casuumayaa Saxaafada, Hay’adaha Dawladda, Ururada Bulshada Rayidka, Gudiyada Doorashada iyo Beesha Caalamka,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay guddiga doorashada heer federaal.

Fariinta guddiga doorashada heer federaal ayaa muujineysa in xukuumadda Rooble ay ku adkeysaneyso in berri la qabto doorashada guddoonka guddiga doorashada Somaliland, iyadoo aan xal laga gaarin tabashada cirka isku shareertay ee hanaanka loo marayo doorashadaas ay ka qabaan siyaasiyiinta reer waqooyi garabka uu hoggaamiyo guddoomiye Cabdi Xaashi.