Xujaayda Soomaaliyeed ee sanadkaan geeriyootay Xajka oo la shaaciyay

85

Xafiiska arrimaha Xajka ee dowlada Fedaraalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay tirada Xujaayda Soomaaliyeed ee sanadkaan ku geeriyootay dalka Sacuudiga.

Madaxa Xafiiska arrimaha Xajka ee dowladda Soomaaliya Khadar Daahir ayaa sheegay in ilaa Lix Xaaji oo ka mid aheyd Xujaayda Soomaaliyeed iney geeriyoodeen intii lagu guda jiray gudashada waajibaadka Xajka ee sanadkaan.

Lixda ruux ee ka mid ahaa Xujaayda Soomaaliyeed ayaa kala ahaa sadax rag ah iyo sadax dumar ah, waxaana guud ahaan tirada Xujayda ku geeriyootay sanadkaan Xajka ay gaareysa 500 oo Xaaji sida lagu shaaciyay war kasoo baxay Xafiiska warbaahinta ee Xarameynka.

Geerida dadka Xujaayda ah ee sanadkaan ayaa loo sababeeyey kuleelka ka jira magaalooyinka Makka iyo Madiina oo kor u dhaafay 40⁰, taasoo keentay in isbadalka cimillada ay saameen ku yeelato Xujaayda.

Ugu dambeyntii madaxa Xafiiska arrimaha Xajka ee dowladda Soomaaliya Khadar Daahir ayaa ugu baaqay shirkadaha diyaaradaha in qof walba oo Xaaji ah waqtiga uu xaq u leeyahay dib loogu celiyo dalka, wuxuuna ka digay in qof Xaaji ah booskiisa lagu badalo qof kale oo Xaaji, taasina ay keeni doono caqabado iyo cabashooyin.