Xulka Croatia Oo Kaalint 3-aad Ka Galay Koobka Adduunka+SAWIRRO

249

Xulka qaranka Croatia ayaa ku dhamaystay kaalinta 3-aad ee koobka adduunka kadib markii ay garaaceen xulka Morocco kulan xiiso lahaa oo ka dhacay garoonka Khalifa International Stadium.

Kulanka ayaa ahaa mid ay labada xul ku dagaalamayeen booska 3-aad ee koobka adduunka kadib markii labadoodaba lagu reebay wareega Semi-final-ka.

Xulka Croatia ayaa soo bandhigay ciyaar fiican waxana ay Morocco kaga fiicnaayeen dhinaca maamulista ciyaarta xilli Morocco ku dhamaystay kaalinta 4-aad.
Xulka Morocco ayaa u muuqday kuwo niyad jabsan maadama ay wali ka niyad jabsanaayeen guuldaradii ayna u qalmin ee ka soo gaadhay France.

Xulka Croatia ayaa ku hor maray goolasha kadib markii ay daqiiqadii 7-aad dhaliyeen goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay daafaca Josk Gvardiol kaas oo hogaanka u dhiibay xulkiisa.
Laakiin xulka Morocco ayaa si deg-deg ah uga jawaabay iyaga oo bilaabay in ay raadiyaan goolka bar-baraha kuna soo laabtaan ciyaarta.

Daqiiqadii 9-aad ayuu xulka Morocco dhaliyay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Achraf Dari kaas oo ciyaarta ku soo celiyay bar-baro 1/1 ah.

Xulka Croatia ayaa ku fiicnaa dhinaca maamulista ciyaarta xilli xiddigaha Morocco ku dhibaatoodeen in ay ka faa’iidaystaan fursadaha ay heleen.

Daqiiqadii 42-aad ayuu xulka Croatia dhaliyay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Mislav Orsic kaas oo hogaanka u dhiibay xulkiisa ciyaartana ka dhigay 2/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka Croatia kaalinta 3-aad kaga dhamaystay koobka adduunka xilli Morocco ku dhamaystay kaalinta 4-aad.