Xulka England Oo yimid Finalka +SAWIRRO

196

Kulanka ayaa ahaa mid aan loo bogin iyada oo labada xul ciyaarayeen ciyaar difaac ah.

Labsda xul ayaa adeegsanayay weeraro rogaal celis ah iyaga oo inta kale ku jiray cabsi ay ka cabsi qabeen in gool laga dhaliyo.

Xulka Netherlands ayaa ku hor maray gool waxana u dhaliyay xiddiga Xavi Simons kaas oo daqiiqadii 7-aad dhaliyay goolka.

Waxa xulka England dhaliyay goolka bar-baraha daqiiqadii 18-aad iyada oo uu Harry Kane gool u badalay rikoodhe loo dhigay xulkiisa.

Waxa sidaas u dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay labada xul soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u liita.

Daqiiqadihii ugu dambeeyay ciyaarta ayay labada kooxood bilaabeen in ay raadiyaan goolal.

Daqiiqadiii 90+1-aad ayuu xulka England dhaliyay goolka waxana u dhaliyay Ollie Watkins kas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo xulka England iska xaadiriyay Final Euro 2024.