Xulka Qaranka Ivory Coast oo markii 3-aad ee ku guulaystay koobka Africa +SAWIRRO

123

Kulan xiiso leh ayaa dhexmaray xulalka Nigeria iyo Ivory Coast kulan ka tirsanaa final-ka tartanka koobka Africa.

Kulanka ayaa ahaa mid xiiso leh oo uu xulka Nigeria ku bilowday si dar-dar leh iyaga oo ka fiicnaa xulka Ivory Coast.

Xulka Nigeria ayaa si is daba joog ah u abuurayay fursadaha xilli xulka Ivory Coast adeegsanayay weeraro rogaal celis ah.

Xulka Ivory Coast ayaa ku fiicnaa dhinaca tijaabinta Goolhayaha iyaga oo marar badan tijaabiyay Goolhayaha xulka Nigeria.

Daqiiqadii 38-aad ayuu xulka Nigeria dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga William Troost-Ekong kaas oo hogaanka u dhiibay xulkiisa.

Xulka Nigeria ayaa khalad weyn galay kadib goolkaas iyaga oo daafac galay isla markaas u ogolaaday xulka Ivory Coast in ay ciyaarta maamulaan.

Xulka marti galinaya tartanka oo haysta taageerada inta badan taageerayaasha garoonka ku jiray ayaa bilaabay in ay raadiyaan goolka bar-baraha.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo uu xulka Ivory Coast ku hogaaminayo ciyaarta laakiin xulka Ivory Coast wax walba u sameeyeen sidii ay u soo laaban lahaayeen.

Qaybtii dambe ayuu xulka Ivory Coast si dar-dar leh ku bilowday ciyaarta iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolka bar-baraha kuna soo laabtaan ciyaarta.

Daqiiqadii 62-aad ayuu xulka Ivory Coast helay wixii uu doonyay oo ahaa goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Franck Kessie kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Ciyaarta ayaa dib u furantay iyada oo xul walba doonayay in uu dhaliyo goolka hogaanka ee ciyaarta.

Xulka Ivory Coast ayaa wali ahaa xulka fiican iyada oo xulka Nigeria wali uuna madaxa kor ula kicin kana bixin daafaca.

Daqiiqadii 81-aad ayuu xulka Ivory Coast dhinaca kale u rogay ciyaarta waxana goolka 2-aad u dhaliyay xiddiga Sebastien Haller kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Xulka Nigeria ayaa markan bilaabay sidii ay u soo laaban lahaayeen una bar-barayn lahaayeen halka xulka Ivory Coast daafac galay si ay goolka u ilaashadaan.