Xulka Saudi Arabia ayaa 2-1 kugaracay Argantin +SAWIRRO

245

Xulka Qaranka Suadi Arabia ayaa garaacay xulka loo saadaalinayo koobka adduunka ee Argentina kulan xiiso lahaa oo ka tirsanaa Group-k C ee koobka adduunka.

Xulka Saudi Arabia ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay xulka Argentina kadib markii looga hor maray goolka 1-aad oo uu Lionel Messi dhaliyay.

Kadib guusha xulka Saudi Arabia ayaa isku qoray taariikhda koobka adduunka isla markaas ceebaystay xulka loo saadaalinayo koobka adduunka ee Argentina.

Xulka Suadi Arabia ayaa noqday xulkii ugu horeeyay ee ka dhisan qaarada Aasiya isla markaas xulka Argentina kaga badiyay 2 gool iyo wax ka badan koobka adduunka.

Sidoo kale xulka Saudi Arabia ayaa joojiyay guulihii xidhiidhka ahaa ee uu Argentina ku jiray kaas oo ahaa 36 gool oo xidhiidh ah.