Xuska 18 May oo bilowday Somaliand +SAWIRO

1899

Waxaa saakay magaalada Hargeysa iyo magaalooyin kale oo katirsan maamulka Soomaaliland ka socota xuska munaasabada 18-ka May oo ah maalintii ay ku dhawaaqday Soomaaliland in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.

Munaasabad ka socota magaalada Hargeysa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Masuuliyiin kale oo katirsan maamulkiisa, saraakiil iyo dadweyne kala duwan.

Ciidamada maamulka Soomaaliland ayaa gaardo ka ciyaar iyo socod ku maraya goobta ay munaasabada ka socota, waxaa sidoo kale goobtaasi lagu soo bandhigayaa awooda ciidamada maamulka Soomaaliland iyo hubka ay heestaan.