Xuutiyiinta Yemen oo digniin u jeediyey DFS

1907

Sida lagu daabacay Shabakadda Wararka ee Almashhadalkhaleeji.com Kooxda hubeysan ee Xuutiyiinta kana dagaalanta dalka Yemen ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ay ku Eedeeyeen inay ku soo xad gudbeen Jaziiradaha Yar ee dalkaas ee Soqotra,isla markaana ay dooneyso inay noqoto goob Cusub oo laga baaro Shidaalka.

Shir deg deg ah oo ay yeesheen Xubnaha Guddiga fulinta Kooxda Xuutiyiinta Yemen oo uu Shir-guddoominayey Mas’uulka ugu magacaaban Wasiirka Gaadiidka, Zakariya Al-shaami ayaa lagu sheegay in DFS ay ku xad gudubtey Jesiiradaha yaryar ee Soqotra ee u dhexeeya Xuduud-baddeedka dalalka Yemen iyo Somalia kuna dhow Kanaalka Guwardafuuy iyo Gacanka Cadmeed.

Shakabadda Wararka Almashhadalkhaleeji.com oo soo xiganeysay Faraca Wakaalladda Wararka Yemen ee SABA ee ay Xuutiyiinta maamulaan ayaa Wasiirka Shidaalka iyo Macdanta ugu Magacaaban xuutiyiinta ee Axmed Daaris waxaa uu sheegay in marnaba aan laga aqbaleyn qorshaha ay wado DFS isaga oo uga digey arrintaas.

Kooxda Hubeysan ee Xuutiyiinta waxay kaloo soo hadal-qaadeen inay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay doonayso inay QM ka ansixiyaan, kana xaqiijiyaan Biyaha Gobalka iyo Jasiiradaha Soqotra.

Dhinaca kale qoraal dheer oo kasoo baxay Madaxda Kooxda Xuutiyiinta ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka ay soo degsatay Khariidada qeybaha Badda ee ay u aqoonsadeen qeybaha cusub ee Batroolka ee Jasiiradaha Soqotra,iyaga oo ku hanjabey inay Sharciga la tiigsan doonaan.

Jasiiradaha Soqotra oo gaaraya Afar waxaa ay 240-KM dhanka Bari kaga toosan yihiin Xeebaha Puntland ee Somalia, halka ay Jesiiradahaasi u jiraan dalka Yemen masaafo dhan 240-KM ee Koonfurta Gacanka Carbeed,waxaana la sheegaa in ay yihin Goobo Shidaal laga heli karo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli dhankeeda kama hadlin Warkaan kasoo yeeray Kooxda Xuutiyinta Dalka Yemen ee ah in Dowlada ku xad gudubtey Jaziiradaha Yar ee dalkaas ee loo yaqaano Soqotra.