Magaalada Muqdisho waxaa caawa laga joojiyey bandhig-faneed ay qaban rabtay fannaanadda Haboon Nuura, oo maalmo ka hor ka timid magaalada Hargeysa ee Somaliland.
Bandhig-faneedkan ay qaban rabtay fannaanaddan ayaa muran badan ka abuuray magaalada Muqdisho, waxaana dadka reer Muqdisho u kala qeybsameen labo dhinac:
Qeyb diidan in bandhigga Haboon Nuura lagu qabto magaalada Muqdisho.
Qeyb taageersan in bandhiggaas lagu qabto Muqdisho, iyagoo aaminsan in gabadhan aan ciil la dareensiin.
Haddaba, maxay reer Muqdisho u dhibtay fannaanadda Haboon Nuura, maxaase sababay muranka hareeyey baraha bulshada?
Fannaanaddan waxay hore uga mid ahayd koox fanaaniin ah oo reer Hargeysa ah, kuwaas oo xilligii ay Soomaaliya ka difaaceysay badda Itoobiya qaaday hees ay nacayb ugu muujinayeen reer Muqdisho.
Erayada heesta muranka dhalisay waxaa ka mid ahaa: “Malihin cadow Xamar ka daran,” iyagoo qeyb kamid ah heestaas ku amaanay Itoobiya oo xiligaas dooneysay inay xoog ku qaadato badda Soomaaliya.
Haboon Nuura, oo saddex maalmood ka hor timid Muqdisho, ayaa markii ay garoonka diyaaradaha kasoo degtay diiday in ay gacanta ku qabsato Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaasoo uu qof kamid ah soo dhaweyntii u dhiibayay.
Sidoo kale, guddoomiyaha haweenka gobolka Banaadir, Jawaahir Baarqab, ayaa ku goodisay in gabadhan aysan jirin cid hor istaagi karta bandhiggeeda.
Waxaa kale oo la sheegay in Haboon Nuura ay diiday in ay iska duubto muuqaal ay ku cadeyneyso in ay reer Muqdisho u geftay, kuna raali-gelinayso doorkeedii heestii aflagaadada loo arkay, xilli ay dadka Soomaaliyeed iska difaacayeen cadowga Itoobiya.
Arrimahaas oo is biirsaday ayaa sabab u noqday in caawa la baajiyo bandhiggii ay Haboon Nuura ku qaban lahayd Hotel Elate ee xeebta Liido, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin cidda bixisay amarka lagu joojiyey, haddana waxaa la sheegay in hay’adaha ammaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay joojiyeen bandhiggii caawa la qaban lahaa.