Yaa kusoo baxay Doorashada Galkacyo?

1162

Doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay koonfurta magaalada Gaalkacyo oo ah deegaan doorashada labaad ee Galmudug.

Doorashada ayaa waxaa lagu bilaabay kuraasta HOP#013 iyo HOP#101 ee Golaha Shacabka.

Kursiga HOP#013 waxaa ku soo baxay Aadan Cismaan Xuseen (Qoryooley) oo ah wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta maamulka Galmuudg.

Qo=oryooley ayaa sidoo kale aad ugu dhow Villa Soomaaliya, wuxuuna ka mid ahaa xubnihii isku howlay dhex-dhexaadinta madaxweynaha iyo ra’isuul wasaaraha.

Sidoo kale kursiga labaad ee HOP#101 waxaa ku guuleystay Xersi Aadan Rooble, kaas oo helay 88 cod, sida uu shaaciyey guddiga SEIT ee Galmudug.

Kursiga saddexaad ee HOP#001 waxaa kusoo baxday Jawaahir Maxamed Axmed oo loo qaaday cod gacan taag ah, waxayna heshay 101 cod oo ah dhammaan ergada.

 

Doorashada ayaa haatan sii socota, waxaana la guda-galay kuraasta xiga ee isla maanta loo qorsheeyey in doorashadooda lagu qabto koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Kuraasta taalla magaaladan ayaa qaarkood isha aad loogu hayaa, maadaama ay ku loolamayaan siyaasiyiin saameyn leh oo doonaya inay ku biiraan baarlamaanka 11-aad.

Galmudug ayaa wada qorshe lagu dadajinayo doorashada Golaha Shacabka oo qorshuhu yahay in lasoo gabagabeeyo, ka hor 15-ka bishan March ee sanadka 2022-ka.