Yaab!!: Iska Ilow Ronaldo & Messi, Ole Gunnar Solskjaer Oo Xiddig Kooxdiisa Ku Tilmaamay Midka Ugu Fiican Adduunka

1658

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa tilmaamay in uu da,yarka garabka uga ciyaara kooxdiisa ee Daniel James yahay xiddiga ugu fiican adduunka ee ka ciyaara garabka weerarka.

Kooxda Ole Gunnar Solskjaer ayaa ku dhibaatoonaysa horyaalka premier league xilli ciyaareedkan iyaga oo kaliya badiyay 4 kulan oo ka mid ah kulamadii ay ciyaareen ilaa haatan.

Xiddiga kaliya ee qaab ciyaareedka cajiibka ah ku jira kooxdiisa ayaa ah da,yarka Daniel James kaas kooxdiisa ku soo biiray xagaagan kagana soo biiray kooxda Swansea City iyaga oo ka soo bixiyay 15 milyan oo kaliya.

Daniel James ayaa ku fiican in uu weerarka qaado isla markaasna dib u soo raaco kubada si uu ula difaacdo xiddigaha ay isku kooxdayihiin.

Tababare Solskjaer ayaana rumaysan in uu xiddiga reer Wales yahay xiddiga ku fiican weerarka iyo waliba difaacashada waliba yahay xiddiga ugu fiican ee sidaas sameeya adduunka.

“Waa xiddig qiimayn fiican sidoo kale muhiim ah sidaas darteed waa xiddig munaasib nagu ah”ayuu Solskjaer yidhi.

“Xirfadiisa uu ku fiican yahay ayaa ah orodka iyo waliba farsamada uu ku dhaafo xiddigaha ka soo hor jeeda”ayuu sii raaciyay.

“Waxa aan odhan karaa in uu yahay xiddiga garabka ka ciyaara waliba daafacashada leh ee ugu fiican adduunka”