Yaasiin farey oo ka soo jawaabay dalabkii ku saabsanaa xaalada Mukhtaar Roobow

733

Taliska ku meel gaarka ee hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa kasoo jawaab celiyay, warbixin la xariirtay xariga iyo xaalada Mukhtaar Rooboow oo dhameystiran oo Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya ka dalbatay.

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska taliyaha kumeel gaarka ee NISA Yaasiin Fareey ayaa lagu sheegay in xaalada Caafimaad ee Mukhtaar Rooboow ay tahay mid wanaagsan, islamarkaana uu leeyahay dhaqaatiir si joogta ah ula socota Caafimaadkiisa, uuna yahay arday dhigta Jaamacada heerkeeda labaad ee Master Degree.

Qoraalka NISA kasoo baxay ayaa sidoo kale lagu sheegay in nolosha Mukhtaar Rooboow iyo qoyskiisaba bil walba ay ku baxdo maareynteeda lacag dhan 7,000 kun oo dollar, sababta uu wali u xiran yahayna ay tahay maadama uu horay Shabaab u ahaa walina uusan buuxin sharuudaha isa soo dhiibaha loo dajiyay, in waajib yahay sugitaanka amaankiisa.

Hoos ka akhriso Qoraalka kasoo baxay NISA :-