Yahya Sinwar ayaa loodoortay inuu noqdo madaxa guud ee Xamaas

142

Ka dib wadahadallo labo maalmood qaatay oo magaalada Doxa ee dalka Qadar ay ku yeesheen madaxda ururka Xamaas ayey ku dhawaaqeen cidda beddelaysa hoggaamiyahoodii siyaasadda Ismaaciil Haniya oo toddobaad ka hor lagu dilay dalka Iran.

Xamaas ayaa ku dhawaaqday in Yahya Sinwar, inuu noqonayo madaxa guud ee cusub ee Ururka isagoo beddelaya Ismail Haniyeh.

Ninkan ayaa tan iyo 2017kii, waxa uu ahaa hoggaamiyaha kooxda ee gudaha marinka Qasa. Hadda waxa uu noqon doonaa hoggaamiyaha garabkooda siyaasadeed.

Hoggaanka Xamaas ayaa si wada jir ah u doortay Sinwar inuu hoggaamiyo dhaqdhaqaaqa, sida uu BBC-da u sheegay sarkaal sare oo Xamaas ka tirsan.

Goluhu wuxuu si aqlabiyad ah ugu codeeyay in la doorto Sinwar, taasoo mid ka mid ah saraakiisha Xamaas uu BBC-da u sheegay in tani tilmaamayso “farriin ka dhan ah Israa’iil”.

“Waxay dileen Haniyeh, qofka dabacsan ee u furfuran xalalka. Hadda waa inay la macaamilaan Sinwar iyo hoggaanka militariga,” ayuu yiri sarkaalka.

Ku dhawaaqistan ayaa kusoo beegmeysa xili xiisadda bariga dhexe ay cirka isku sii shareereyso, iyadoo Iran iyo xulafadeeda ay ku hanjabeen inay ka aargudan doonaan dilka Haniyeh oo ay ku eedeeyeen Israel. Israa’iil kama aysan hadlin.

Xaaladdo badan ayaa laga hadlay, laakiin ugu dambeyntii, laba magac oo kaliya ayaa la soo bandhigay: Yahya Sinwar, iyo Mohammed Hassan Darwish, oo ah qof aan muuqan oo madax ka ah Golaha Shuurada Guud, oo ah golaha soo saara Xafiiska Siyaasadda Xamaas.

Ka hor dhimashadiisa, Ismaciil Haniyeh waxa ay dublamaasiyiinta gobolku u arkayeen in uu yahay shaqsi wax ku ool ah marka loo eego kuwa kale ee Xamaas ahaana darawalka muhiimka ah ee siyaasadeed ee kooxda.

Ninkan hadda hoggaanka kooxda qabanaya Yaxye Sinwar, waxaa loo arka mid ka mida kuwa ugu xagjirsan Xamaas.

Sinwar ayaa ka mida kuwa ugu sarreeya liiska shaqsiyaadka Xamaas ee Israa’iil aad u doon doonayso.

Hay’adaha ammaanka ee Israa’iil ayaa rumeysan inuu isagu maleegay qorsheynta iyo fulinta weerarradii 7-dii Oktoobar 2023, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 1,200 oo qof oo Israa’iiliyiin ah halka 251 la qafaashay.

Maxay Israa’iil ka tiri magacaabista Sinwar

Israa’iil ayaa sheegay inay wali doonayso inay disho Yaxye Sinwar. Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil, Israel Katz, ayaa sheegay in tani noqon doonto ciribtirka Sinwar.

“Magacaabista argagixisada soo jireenka ah ee Yahya Sinwar oo loo magacaabay hogaamiyaha cusub ee Xamaas, oo bedelaya Ismail Haniyeh, waa sabab kale oo adag oo ah in si degdeg ah loo tirtiro, loogana tirtiro ururkan sharka leh dunida,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa X, ee horrey loo oran jiray Twiter wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil Israel Katz.

“Yahya Sinwar waa argagixiso, kaasoo mas’uul ka ah weerarkii argagixiso ee ugu naxariista darnaa ee taariikhda,” afhayeenka ciidamada difaaca Israel Daniel Hagari ayaa sidaas u sheegay warbaahinta Al-Carabiya.

Sinwar, laguma arag meel fagaare ah tan iyo weeraradii October, waxaana la rumeysan yahay inuu ku ku jiro “10 dabaq oo dhulka hoostiisa ah” oo ku yaal Qasa sida uu sheegay bishii June xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken.