Yaya Toure Oo Xiddig Lama Filaan Ah Oo U Ciyaara Man United Ku Tilmaamay Xiddigii Ugu Adkaa Ee Ka Hor Tago Waayihiisii Ciyaareed

1675

Yaya Toure ayaa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United si lama filaan ah ugu magacaabay xiddigii ugu adkaa ee uu ka hor tagay xirfadiisa ciyaareed.

Halyeeyga reer Ivory Coast ayaa si joogto ah kaga hor tagay Matic 8-dii sano ee uu premier League u ciyaarayay kooxda Man City.

Toure oo ka tagay kubada Cagta England sanadkii hore ayaa City ka caawiyay ku guulaysiga 3 premier League iyo FA Cup intii uu joogay kooxda ku ciyaarta Etihad.

Xiddiga reer Serbia ee Matic ayaa dhankiisa 2 sano kula raaxaystay kooxda chelsea intii uu Toure joogay Chelsea kadib Man United ku biiray sanadkii 2017.

Matic ayaa ka mid ahaa xiddigihii ugu muhiimsanaa ee jose Mourinho laakiin waxa uu boos ka waayay tababare Ole Gunnar Solskjaer.

Markii Toure la waydiiyay xiddigii ugu adkaa ee uu ka hor tagay xirfadiisa ciyaareed ayuu xiddigii hore ee Barcelona ku jawaabay”Nemanja Matic ayaa mid aad iigu adag”.

“Ma ahan xiddig orod badan laakiin waa xiddig xoogan oo maskax badan”