Yuusuf Axmed Max’uud oo ugu dambeyn Boolisku soo qabtay

238

Ciidamada booliiska oo Muqdisho ku qabtay ninkan oo dil geestay

Ciidamada booliiska gobolka Banaadir gaar ahaan kuwa ka howlgala saldhigga degmada Yaaqshiid ayaa xalay gacanta ku soo dhigay nin gacan kudhiigle ah oo la baadi goobayey.

Ninkan booliiska soo qabteen oo lagu magacaabo Yuusuf Axmed Maxamuud ayaa ku eedeysan inuu dilay Marxuum Maxamed Daahir Cabdulle.

Ciidanka Booliiska ayaa baaris dheeraad ah ku wada sababta uu ninkan dilka u geystey iyo cadeymaha arrintaas lka xiriira waxayna booliiska sheegeen in ninkan baaris kaddib u gudbin doonaan heyadaha cadaalada.