Yuusuf Dabageed oo 72 saacadood loo qabtay inuu ugaga guuro xarunta gobolka Hiiraan

1477

Guddoomiyihii hore gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa loo qabtay muddo 72 saacadood ah inuu ugaga guuro xarunta maamulka gobolka Hiiraan oo uu degen yahay.

Kulan ay shalay yeesheen saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM,Dowlada Federalka iyo Maamulka Hirshabelle ayaa ku go’aamiyay in Yuusuf Dabageed uu si degdeg ah ugaga guuro xarunta gobolka Hiiraan oo uu hadda degen yahay.

Ciidamada Ethiopia ee ka mid ah AMISOM oo shalay isku hareereeyay xarunta uu degen yahay Yuusuf Dabageed ayaa laga qaaday xalay kadib markii odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ay codsadeed in muddo la siiyo uu ugaga guuro xaruntaas.

Hase yeeshee waxaa uu guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed uu sheegay in la doonayay in la dilo. Dabageed ayaa ku eedeeyey madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare, in Saddex jeer uu soo abaabulay isku day uu sheegay in isaga lagu qaarajin lahaa.

Dabageed ayaa tilmaamay in halka loo yaqaan Lama-galaay uu madaxweyne Waare kasoo abaabulayo qorsheyaashan, isaga oo isku dayaya inuu adeegsado AMISOM.

“Waare Lama-galaay wuxuu markii Saddexaad kasoo abaabulay qorshe la igu qaarajinaa, ama nalagu soo weeraraa, taasna waa ku fashilmay ee waxaan u sheegeynaa cid walbo oo reer Hiiraan ah iney arrintan la socoto”

Dabageed ayaa dhanka kale ugu baaqay xildhibaannada iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolka Hiiraan iney wada yimaadaan magaalada B/weyne, kana tashadaan aayaha gobolka Hiiraan.