Yuusuf Dabageed oo weeraray Madaxweynaha Hirshabelle+VIDEO

1642

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar ayaa cadeeyay in khilaaf ku saabsan arrimaha dhaqaalaha uu kala dhexeeyo Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Beledweyne ayuu Guddoomiye Dabageed ku sheegay in Madaxweynaha Hirshabelle uusan qadarin maamulkiisa uuna doonayo in dhaqaalaha laga soo ururiyo shacabka Hiiraan uu ku shubto akaawn gaar u ah Madaxweynaha.

Sidoo kale Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Hirshabelle in mudadii uu maamulka hayay uusan waxba ku qaban gobolka Hiiraan.

Hore ayuu guddoomiye Dabageed ugu eedeeyay maamulka Hirshabelle inuu marwalba isbedel ku sameeyo maamulka gobolka Hiiraan.

Warkan ka soo baxay Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa imanaya maalmo yar kadib markii uu ka tegey magaalada Beledweyne Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare.