Yuusuf Garaad “Xoghayaha Guud wuxuu u yeelay dowladda Soomaaliya sida ay dalbatay, ma ahan inay dowladdu is mahdiso”

1878

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad ayaa ka hadlay go’aankii dowladda Soomaaliya ka qaadatay Wakiilkii Qaramada Midoobey u qaabilsanaa Soomaaliya Nicholas Haysom ee ahaa in aan laga rabin dalka, kana sii shaqeyn karin.

Yuusuf Garaad ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres uu u yeelay sida ay Soomaaliya dalbatay oo ahaa in laga beddelo Haysom.

Hase ahaatee Yuusuf Garaad ayaa sheegay in taas bedelkeed aan loo baahneyn in dowladda Soomaaliya ay is mahadiso, taasoo ugala jeeday go’aankeeda iyo sida ay rabtay inuu u meel maray.

“Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay, António Guterres, go’aanka uu ka qaatay dalabkii Soomaaliya waa mid la dhihi karo wuxuu Dowladda Soomaaliya u yeelay sida ay dalbatay oo ah in laga beddelo Ergeygiisa Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM, inkasta oo aan la cayimin goorta. Ma ahan Dowladdu in ay is mahadiso”ayuu yiri Yuusuf Garaad.

Yuusuf Garaad ayaa sheegay in loo baahan yahay in saameynta arrintaas ka dhalan karto in loo diyaar garoobo lana maareeyo.

“Saameynta uu arrinkani yeelan karo ama aan is leeyahay wuu yeelan doonaa, aan filayana in aanay soo daahi doonin ayaa u baahan in loo diyaar garoobo lana maareeyo”ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay go’aanka dowladda Soomaaliya dalka uga eriday, una adeegsatay erayga (Persona Non Grata), taasoo aanay aheyn in loo adeegsado shaqaalaha Qaramada Midoobey, maadaama aanay Qaramada Midoobey aheyn dal, diblomaasiyiinteedana u baahneyn aqoonsi.