Yuusuf Xasan oo hadlay go’aankii uu Xasan ku tegay Addis Ababa+VIDEO

256

Xildhibaan Yuusuf Xasan oo ka tirsan baarlamaanka Kenya ayaa sheegay in Xasan Sheekh uu yahay geesi u bareeray khatarta safarkii Itoobiya oo guul u ahaa Soomaaliya, sida uu qabo xildhibaanku.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay guul-darro ku ahaan laheyd hadii uu ka baaqdo shirka madaxda Midowga Afrika, sidoo kale wuxuu nasiib darro ku tilmaamay in Addis Ababa ay sii ahaato xarunta Midowga Afrika.

“Xarunta Midowga Afrika waa naga wada dhaxeysaa, Itoobiya oo kaliya iskama lahan, waa nasiib darro in xarunta Afrika ay tahay Addis Ababa,” ayuu yiri.

Xildhibaanka oo sii hadlayey ayaa yiri, “In Xasan Sheekh uu ka maqnaado shirkaas dhabarjab weyn ayey Soomaaliya ku ahaan laheyd, inuu joogo oo qadiyadda Soomaalida uu ku soo bandhigo fagaarahaas saxbey aheyd, codka Soomaaliya ayuu ku guuleystay inuu gaarsiiyo dhamaan madaxda Afrika, waana guul weyn oo diblomaasiyadeed.”

Xildhibaan Yuusuf Xasan oo wareysi siiyey TV-ga Universal ayaa sheegay in Soomaaliya ay hadda ka jirto isku duubni weyn, isla markaana ay dadka Soomaaliyeed awoodaan inay dhulkooda ka difaacdaan cid kasta oo ku soo xadgudubta.

“Qof kasta oo Soomaali ah, xitaa Geel jiraha waa hubeysan yahay, dhulkiisana hal taako lagama qaadan karo, aad ayey isugu kalsoontahay Soomaalidu, una maleyn maayo in Itoobiya ay hadda diyaar u tahay inay dagaal la gasho Soomaaliya,” ayuu yiri.

Xildhibaan Yuusuf Xasan ayaa sidoo kale sheegay in baaqii Xasan Sheekh ee ahaa in la midoobo oo dalka la difaacdo uu meel dheer gaaray, isagoo madaxda maamullada dalka ugu baaqay inay la shaqeeyaan madaxweynaha.

“Xasan Sheekh talaabooyinka uu qaaday iyo sida wanaagsan ee wadanka uu u maamulayo aad ayaan ugu faraxsanahay, karti iyo firfircooni uu ku daafici karo qaranimadabiyo xuduudaha Soomaaliya ayuu Xasan soo bandhigay, wuxuu hortagay wadamo iyo ururo badan, isagoo qaaday olole diblomaasiyadeed,” ayuu yiri Xildhibaan Yuusuf.