Zinedine Zidane oo 12 milyan euro mushaar ahaan kaga qaadan doono Real Madrid

1978

Wargeysyada kasoo baxa dalka Spain ayaa waxay shaaca ka qaadeen inta uu gaarsiisan yahay mushaarka cusub uu tababaraha Faransiiska ah ee Zinedine Zidane ka qaadan doono kooxda Real Madrid, kadib markii uu dhawaan dib ugu soo laabtay.

Real Madrid ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in Zinedine Zidane uu dib ugu soo laabtay shaqada kooxda Los Blancos, si uu u noqdo badalka Santiago Solari oo shaqada laga ceyriyay.

Sida laga soo xigtay wargeyska “Mundo Deportivo” ee dalka Spain Zinedine Zidane ayaa sanadkii mushaar ahaan kaga qaadan doono Real Madrid qiimo dhan 12 milyan euro, lagu daray lacagaha gunooyinka ah.

Sidaas darteed Mushaarka haatan uu Zidane ka qaadanayo kooxda Los Blancos ayaa ka dhigan in ku dhawaad uu ku laba jibaarmo kan uu horey kaga qaadan jiray ee gaarsiisnaa 7.5 milyan euro.

Sida laga soo xigtay wargeyska, mushaharka haatan uu ka qaato tababaraha Faransiiska kooxda Real Madrid, wuxuu si tartiib tartiib ah sare ugu sii socon doonaa ilaa iyo maa laga gaarayo dhamaadka heshiiskiisa ee gaarsiisan xagaaga 2022.

 

HALKAN KA AQRI SHEEKADAN