Zlatan Ibrahimovic Oo U Muuqda Mid Xaqiijiyay Kooxda UU Ku Biiri Doono

1688

Zlatan Ibrahimovic ayaa u muuqda mid xaqiijiyay in ay kooxdiisa cusub noqon doonto kooxda ka ciyaarta dalkiisa Sweden ee Hammarby.

38 jirkan ayaa bilaa koox ah kadib markii uu isaga tagay kooxda La Galaxay xilli si weyn loola xidhiidhinayay kooxda Ac Milan.

Laakiin xiddigii hore ee kooxaha Man United iyo PSg ayaa u muuqda mid sheegay in uu ku wajahan yahay horyaalka dalkiisa Sweden kadib markii uu bogiisa Instagram-ka soo dhigay sawirka maaliyada kooxda Hammarby oo uu dhabarka kaga qoran yahay magaciisu.

Si kasta ha ahaatee ilaa haatan lama oga in uu Zlatan Ibrahimovic ku biir doono kooxda Hammarby inkasta oo ayna kooxdusi Rasmi ah u xaqiijin.

Dhacdadan ayaa imanaysa todobaadyo ka dib markii uu Zlatan sidoo kale sheegay in uu ku biirayo koox reer Spain ah sidoo kale soo dhigay baraha bulshada.