Waxa la soo afjaray kulamadii 5-aad ee wareega Group-yada tartanka champions League iyada oo ay kooxuhu sii wadaan u soo bixista wareega xiga.
Inkasta oo uu hal kulan ka hadhay dhamaadka wareega Group-yada hadana waxa jira kooxo si Rasmi ah u xaqiiqsaday booskooda wareega 16-ka tartanka champions League.
9 kooxood ayaa haatan si Rasmi ah u xaqiiqsaday booskooda wareega 16-ka tartanka champions League kadib markii la soo afjaray kulamada 5-aad ee wareega Group-yada tartanka.
Hadaba Halkan Hoose kaga bogo 9 kooxood ee iska xaadiriyay wareega 16-ka tartanka champions League:
- Bayern Munich
 - Manchester City
 - Porto
 - Liverpool
 - Chelsea
 - Sevilla
 - Barcelona
 - Juventus
 - Borussia Dortmund
 
		



















