Guddoomiyahii Arrimaha bulshada degmada Baardheere oo la dilay

18

 

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo saakay waabarigii hore ka bilaawday degmada Baardheere ee gobolka Gedo, kaasoo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Fedaraalka iyo kuwa maamulka Jubbaland.

 

Dagaalka oo ahaa mid aad u xoogan oo labada dhinac ay isku adeegsanayeen hubka noocyadiisa kala duwan ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhinac iyo dad shacab ah.

 

Inta la xaqiijiyay dagaalka ka dhacay degmada Baardheere waxaa ku dhintay guddoomiyihii arrimaha bulshada degmadaas ee dowladda Federaalka dhawaan ay u magacawday oo lagu magacaabo Maxamed Ilyaas Caagane iyo labo ruux oo kale.

 

Wararka ayaa intaasi ku daraya iney jiraan dhaawacyo kala gaaray askarta labada dhinac oo ay ku jiraan qaar ka mid ah saraakiisha kala hoggaamineysa labada ciidan.

 

Dagaalkaan khasaaraha kala duwan geystay ayaa imaanaya, iyadoo Shalay ciidamada maamulka Jubbaland ay la wareegeen gacan ku heynta xarunta maamulka degmada Baardheere oo gacanta ku hayeen mudooyinkii lasoo dhaafay ciidamada dowladda Fedaraalka.