Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa soo bandhigay soo jeedin aan caadi ahayn oo uu ku sheegay in Mareykanka “la wareegi doono” Marinka Gaza, xilli uu la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, si ay uga wada hadlaan xabbad-joojinta la xiriirta dagaalka Hamas.
Trump ayaa sidoo kale ku celiyay baaqiisii ahaa in Falastiiniyiinta laga saaro dhulka ay dagaalladu burburiyeen laguna daadgureeyo waddamada Bariga Dhexe sida Masar iyo Urdun, inkastoo Falastiiniyiinta iyo dowladahaasi si cad u diideen soo jeedintiisa.
“Mareykanku wuxuu la wareegi doonaa Marinka Gaza, waana wax aan qaban karno. Waxaan noqon doonnaa milkiileyaasha dhulkan,” ayuu Trump ka sheegay shir jaraa’id oo uu si wadajir ah ula qabtay Netanyahu.
Trump wuxuu intaa ku daray in Mareykanku ka saari doono bambooyinka aan qarxin, “dhulka simi doono,” dhismeyaasha burbursanna laga saari doono, iyadoo la abuurayo barnaamij horumarineed oo dhiirigeliya koboca dhaqaale, fursado shaqo iyo hoy badan oo ay helaan dadka deegaanka.
Si kastaba ha ahaatee, Trump wuxuu u muuqday inuusan taageersanayn in Falastiiniyiintu dib ugu laabtaan Gaza.
“Waa in aanan u oggolaan in Gaza dib loo dhiso oo ay dib ugu noqdaan isla dadkii horey u daganaa, halkaasna nolol adag ku soo qaatay, dagaallamay, ku dhintay, nolol rajo la’aan ahna ku noolaa,” ayuu yir
Isagoo sii hadlaya, wuxuu soo jeediyay in labada milyan ee qof ee ku nool Gaza ay “tagaan dalal kale oo leh daryeel bini’aadannimo.”
Netanyahu wuxuu Trump ku ammaanay inuu yahay “saaxiibka ugu weyn ee Israa’iil abid yeelato.”
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil wuxuu sheegay in qorshaha Trump ee Gaza uu noqon karo mid “taariikhda beddela” oo mudan in fiiro gaar ah loo yeesho.