Khaatumo oo lagu casuumay shirka waadatashiga qaranka

35

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa casuumaad rasmi ah u diray Madaxweynaha Maamulka SSC Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), si uu uga qeyb galo shirka wadatashiga qaran ee dhawaan lagu qabanayo magaalada Muqdisho. 

  

  

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, oo ku sugan magaalada Laascaanood ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay casuumaadda, isagoo sheegay in Madaxweyne Firdhiye uu ka qeyb geli doono shirka ugusoo horreeya. 

  

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa tilmaamay in Madaxweyne Firdhiye looga baahan yahay inuu madasha shirka kaga doodo danaha shacabka SSC Khaatumo iyo kaalinta ay doonayaan inay mustaqbalka kaga yeeshaan siyaasadda dalka. 

  

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu xusay in SSC Khaatumo ay ku jirto marxalad dhisme maamul ah, isla markaana dowladda Federaalka ay si buuxda u taageertay mowqifkooda iyo dadaallada ay ugu jiraan dhismaha hay’adahooda maamulka. 

  

Wuxuu intaas ku daray in dowladda Federaalka ay ka caawinayso dhismaha xarumaha maamulka, kuwaasoo qaar kamid ah uu raysal wasaaruhu ka dhigay magaalada Laascaanood.