Baarlamanka Azerbaijan ayaa ansixiyay “heshiiska iskaashiga dhinaca difaaca iyo warshadaha difaaca ee u dhexeeya Dowladda Jamhuuriyadda Azerbaijan iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya,” sida ay baahisay warbaahinta dalkaas.
Wararka ayaa tilmaamaya in arrintan looga dooday kulanka guud ee Baarlamaanka Azerbaijan oo qabsoomay 22-kii April. Hindise-sharciyeedka ansixinta heshiiskan ayaa cod loo qaaday, waxaana lagu ansixiyay akhrintii koowaad.
Heshiiskan ayaa si rasmi ah loo saxiixay 12-kii Febraayo, 2025 magaalada Baku, iyadoo goob joog ay ahaayeen Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Azerbaijan, Mudane Ilham Aliyev. Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale isla garowsaday muhiimadda ay leedahay dhisidda madal joogto ah oo lagu xoojiyo xiriirka labada dal, taas oo fududeynaysa fulinta heshiisyada.
Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal, iyagoo diiradda saaray dhinacyada waxbarashada, tamarta, amniga, iyo maamulka dowliga ah.
Heshiiskan ayaa loogu talagalay in lagu abuuro qaab sharciyeed oo rasmi ah oo lagu hagi karo iskaashiga labada dowladood ee dhinacyada difaaca iyo warshadaha difaaca. Waxaa sidoo kale lagu qeexay in fulinta heshiiskan ay waafaqsan tahay sharciyada gudaha iyo waajibaadka caalamiga ah ee labada dowladood, iyadoo la xaqiijiyay inaan iskaashigani noqon karin mid ka dhan ah dhinac saddexaad.
Heshiiska oo ka kooban 20 qodob ayaa qeexaya iskaashiga labada dhinac ee dhinacyada difaaca iyo amniga milatariga, howlgalada nabad ilaalinta, booqashooyinka labada dhinac iyo isdhaafsiga khibradaha, tababarka iyo waxbarashada milatariga, warshadaha iyo tiknoolajiyadda difaaca, iyo kuwo kale oo badan. Dhinacyada iyo qaababka iskaashiga ayaa lagu soo bandhigay hoos.
Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee magaalada Baku ayaa ahayd tii ugu horreysay oo Madaxweyne Soomaaliyeed ku tago Azerbaijan, taas oo muujinaysa muhiimadda ay dowladda Soomaaliya siinayso ballaarinta iskaashiga caalamiga ah iyo horumarinta dhaqaalaha iyo amniga labada dal.
Ugu dambeyntii, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa casuumay Madaxweyne Ilham Aliyev inuu booqasho rasmi ah ku yimaado Soomaaliya si loo sii ambaqaado xiriirka iyo iskaashiga labada dal.