DAAWO:-Liverpool Oo Ku Guulaystay Premier League +SAWIRRO

27

Liverpool ayaa gaartay guul weyn kadib markii ay 5-1 ku xasuuqeen Tottenham Hotspur kulankii 34-aad ee horyaalka Premier League ee ka dhacay garoonka Anfield.

Tottenham ayaa hoggaanka la wareegtay daqiiqaddii 12aad markii Dominic Solanke uu dhaliyay goolka koowaad, balse Liverpool ayaa si degdeg ah uga jawaabtay iyadoo Luis Díaz uu goolka barbaraha keenay daqiiqaddii 16aad.

Mac Allister ayaa u dhaliyay Liverpool goolkii labaad daqiiqaddii 24aad, halka Cody Gakpo uu dhaliyay goolkii saddexaad daqiiqaddii 34aad ee qeybtii hore.

Daqiiqaddii 63aad ee ciyaarta, Mohamed Salah ayaa dhaliyay goolka afraad ee Liverpool, waxaana Udogie si kama’ ah isaga dhaliyay goolkii shanaad ee Tottenham daqiiqaddii 69aad.

Guushan ayaa Liverpool u korodhsatay dhibcaha ilaa 82, iyagoo si rasmi ah ugu guuleystay horyaalka Premier League, halka Tottenham ay kusii jirto kaalinta 16aad iyadoo leh 37 dhibcood.