Xildhibaan dhuunta ugalay Deni oo ladoonayo in xilka lagaqaado

26

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo taageersan xukuumadda Madaxweyne Deni ayaa riixaya in xasaanad ka qaadis lagu sameeyo guddoomiye hore Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo haddana ka tirsan golaha.
Xildhibaannada muxaafidka ah ee taageersan Xukuumadda Siciid Deni ayaa doonaya in xasaanadda laga xayuubiyo mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, kaddib markii lagu eedeeyay in uu gobolka Sanaag ka wado dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed oo ka dhan ah midnimada iyo wadajirka Puntland.

Balse, guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirisaaq Qaraaje ayaa ilaa iyo hadda ka caga-jiidaya qorshaha maamuus ka xayuubinta Abwaan Cabdirashiid ee ay riixayaan xildhibaannada taageersan Xukuumadda Deni, kuwaasi oo aan weli ku guulaysan in ay guddoonka ku qanciyaan go’aankaasi.

Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa sidoo kale horay ugu eedeeyay xildhibaan Cabdirashiid Jibriil in uu ciidamo heer Federaal ah ka qorayo magaalada Badhan, kuwaasi oo ay mushaarkooda bixinayso Villa Somalia, si ay ugu fuliyaan ajandayaal ka baxsan nidaamka Puntland.