Australia ayaa ku dhawaaqday qorshe ay ku aqoonsanayso dowlad Falastiini ah bisha September, ka dib tilaabooyin la mid ah oo ay qaadeen UK, Faransiiska iyo Canada.
Ra’iisul wasaaraha Australia Anthony Albanese ayaa sheegay in tallaabadani ay ka dhici doonto golaha guud ee Qaramada Midoobay iyo ka dib markii ay ballanqaadyo ka heleen maamulka Falastiiniyiinta.
“Xalka labo dawladood waa rajada ugu wanaagsan ee bini’aadmigu ka qabo in la jebiyo qulqulatooyinka rabshadaha ee Bariga Dhexe iyo in la soo afjaro colaadda, dhibaatada iyo gaajada Qasa,” ayuu yiri Isniintii.
Israa’iil oo cadaadis badan lagu saarayo joojinta dagaalka Qasa ayaa sheegtay in aqoonsiga dowlad Falastiiniyiintu leedahay ay “abaal marin u tahay argagixisada”.
Maamulka Falastiin, oo gacanta ku haya Daanta Galbeed ee ay Israa’iil ay heysati, ayaa goor hore sheegay in loo aqoonsado dal madax bannaan ay muujineyso taageerada sii kordheysa ee loo hayo ka go’naanshaha madax-bannaanida dadkooda.