Dawladda Soomaaliya ayaa diyaaradaha caalamiga ah ku wargeliysay inaysan soo qaadi karin dadka ku socdaalaya baasaboorada ajanabiga ah ee aan wadan fiisaha, kaddib markii la soo kordhiyay nidaamka dal ku galka ee lagu dalbanayo hab elektaroonig ah (eTAS), halkii markii hore fiisaha laga qaadan jiray marka la yimaado garoommada diyaaradaha, iyadoo hannaankan la dhaqangeliyay 1 bishan September.
Habkan waxaa laga reebay muwaadiniinta sita baasaboorada Malaysia iyo Rwanda oo aan u baahneyn wax fiiso ah, marka ay imaanayaan Soomaaliya, tani waxay u muuqata inay salka ku hayso xiriirka socdaal ee dalalkan , maaddama waddamada Malaysia iyo Rwanda ay fiisaha ku siiyaan muwaadiniinta Soomaaliya garoommada diyaaradaha.
Muwaadiniinta dalalka kale Itoobiya, Burundi, Jabuuti, Muritaaniya, Tansaaniya, Uganda, Aljeeriya, Liibiya, Tuunis, Masar, iyo Qomoros, iyagana fiisaha lagu siinayo garoommada diyaaradaha (visa on arrival) oo aysan u baahnayn inay dal ku gal horey usoo qaataan.
Muwaadiniinta dunidda inteeda kale oo ay xataa ku jiraan dadka asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya ee aan ku safreyn Baasaboorka Soomaaliga ayaa laga doonayaa inay habka online-ka ah ee eTAS, ku dalbadaan fiisaha ka hor inta aysan safarka billaabin.