Maraykanka oo sheegtay duqayntii lagu dilay nabadoon Cabdullaahi Cumar Cabdi

14

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa si rasmi ah u qirtay inay ka dambeeyeen duqayntii 13-kii Sebteembar ka dhacday gobolka Sanaag ee Puntland, taas oo lagu dilay Cabdullaahi Cumar Cabdi, oo kamid ahaa nabadoonada deegaankaas.

AFRICOM ayaa sheegay in weerarku uu si gaar ah u beegsaday xubin kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa iibinta iyo kala gudbinta hubka sharci darrada ah. Maraykanka ayaa sheegay inuu howlgalka kala kaashaday Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS).

Taliska Mareykanka wuxuu sheegay inay sii wadi doono duqaymaha iyo weerarada qorshaysan ee lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab, si loo yareeyo khatarta ay ku hayaan dhulka Mareykanka, ciidamada Maraykanka ee caalamka ku sugan, iyo muwaadiniintiisa ku nool dibadda.

Sheegashada AFRICOM ayaa soo afjartay mala-awaal iyo hadal-hayn badan oo ka taagnayd cidda dhab ahaan ka dambaysay weerarkan, maaddaama dadka deegaanka Sanaag ay horey ugu eedeeyeen maamulka Puntland iyo Dowladda Imaaraatka Carabta inay qayb ku lahaayeen.

Cabdullaahi Cumar Cabdi waa nabadoonkii ugu horreeyay ee Maraykanku si toos ah u dilo, iyagoo ku andacoonaya inuu xiriir la leeyahay Al-Shabaab.

Waxay kusoo beegantay iyadoo Golaha Dhaqanka iyo Guurtida gobollada Sanaag iyo Haylaan ay warqad ay u direen madaxda Puntland ku dalbadeen in si degdeg ah looga jawaabo dilka caaqil Cumar C/Laahi Cabdi Ibraahim oo 13-kii Sebtembar lagu dilay duqeyn cirka ah.