Dhalinyaro Soomaali ah oo ku istaagay calanka Kenya oo maxkamad horgeyay

50

Laba dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo lagu qabtay iyaga oo ku xadgudbaya calanka dalka Kenya intii lagu guda jiray ciyaar kubadda cagta ah oo ka dhacday garoonka Nyayo National Stadium, ayaa maxkamad lagu soo taagay magaalada Nairobi, iyaga oo wajahaya dacwado badan.

Dhallinyaradaan oo da’doodu kala tahay 14 iyo 17 sano ayaa lagu qabtay muuqaal baraha bulshada ku faafay iyaga oo ku dul socda calanka Kenya xilli lagu jiray ciyaar ka tirsan CAF Champions League oo dhex martay Mogadishu FC (Soomaaliya) iyo Kenya Police FC Sabtidii, 20-ka September.

Muuqaalka ayaa la helay ayaa abuuray caro iyo falcelin ballaaran oo ka timid shacabka iyo siyaasiyiinta Kenya, taas oo keentay in codad xoog leh loo jeediyo in la soo qabto dhallinyaradaas.

Labada dhalinyarada ah ayaa hortagay Maxkamadda Carruurta ee Nairobi, halkaas oo Garsoore Sare Rose Gitau uu ku amaray in lagu hayo xarunta ilaalinta carruurta ee Gigiri ilaa warbixin bulsho laga sameeyo, si loo ogaado xaaladooda iyo waxa la gudboon maxkamadda.

Ehelada carruurta ayaa codsaday in loosii daayo si ay iyagu u daryeelaan, balse garsooraha ayaa sheegay in mas’uuliyadda marxaladdan kaliya ay qaadi karaan waalidiinta dhalay.

Dacwadaha lagu soo oogay dhallinyarada waxaa ka mid ah:

Gelitaan sharci-darro ah oo ay ku soo galeen Kenya, Waxyeello u geystaaan calanka qaranka oo astaan mideyn ah iyo Kicin buuq intii lagu jiray dhacdo ciyaareed dadweyne.

Xeer-ilaalintu waxay codsatay in carruurta lagu sii hayo si loo xaqiijiyo da’dooda iyo wareysi dheeraad ah. Dhakhtar dowladeed ayaa baari doona da’dooda maaddaama aysan keenin dukumentiyo rasmi ah. Maxkamaddu waxay kaloo amartay in warbixin ka timaadda Xafiiska Carruurta (Children’s Bureau Office) lasoo bandhigo xilliga dacwadda la xusayo.