ilaa 50 maxbuus oo laga siidaayay xabsiyada Congo

49

Safiirka dowladda Soomaaliya ee dalalka Tanzania iyo Congo Danjire Ilyaas Cali Xasan ayaa ku guuleystay inuu kasoo daayo xabsiyo ku yaala dalka Congo muwaadiniin Soomaaliyeed oo halkaas muddo ku xirana, kadib wada hadal uu la galay masuuliyiin ka tirsan dowladda Congo.

Muwaadiniintaan Soomaaliyeed ee laga soo daayay xabsiyada ayaa tiro ahaan kor u dhaafaya 50 ruux, kuwaas oo ku xirnaa xabsiyo kala duwan oo ku yaala magaalada Lubumbashi iyo meelo kale oo ka mid ah dalka Congo.

Danjire Ilyaas Cali Xasan ayaa sheegay in sii deynta muwaadiniinta Soomaaliyeed ay soo dedejiyay codsi rasmi ah uu saddex maalmood ka hor u gudbiyay Safiirka dowladda Dimoqraadiga Congo u fadhiya dalka Tanzania, Amb. Jean Pierra Massala.

“Dhamaan dadkii Soomaaliyeed ee siyaabo kala duwan loogu xerey dalka Congo DRC, gaar ahaan magaalada Lubumbashi waa lasoo daayey kuwaas oo tiradooda kor udhaafeysey 50 qof kadib markii aan madaxda dowlada Congo kala hadalney in lasii daayo dadkaas Soomaaliyeed” ayuu yiri Danjire Ilyaas Cali Xasan.

Danjiraha Soomaaliya ee dalalka Tanzania iyo Congo ayaa u mahadceliyay madaxda dowlada Congo iyo Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi Congo oo qeyb ka ahaa dadaalada lagu sii daayay muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii muwaadiniinta Soomaaliyeed ee laga sii daayay xabsiyada dalka Congo ayaa kusoo aadeysa, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay dalkaasi ku qulqulayeen Soomaali badan oo isugu jirta ganacsato maalgeshi doon ah iyo kuwa kale oo shaqo raadis ah.