DAAWO Xamse oo14 maalmood kadib kulaabtay Airporka Muqdisho “

115

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta markale kormeeray qeybaha kala duwan ee adeega garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Kormeerka Raysal wasaaraha ee maanta ayaa ah mid la xariiray u kuur galida waxyaabaha ka dhaqan galay amarkii uu dhawaan ku bixiyey in la hagaajiyo adeegyada dad weynaha ee garoonka Diyaaradaha Aden Cadde.

Raysal wasaare Xamse ayaa sheegay in maalintii uu garoonka booqday oo laga joogo mudo 14 maalmood iyo maanta inuu jiro farqi weyn oo u dhexeeya adeehyada garoonka, islamarkaana ay muuqato in shaqo la taaban karo laga qabtay.

“Waa laba maalmood oo aad u kala duwan maanta iyo 14 maalmood ka hor oo aan halkaan imid, isbeddel ayaa ka muuqda garoonka, waxaan imid maanta iyadoo mashiinadii ay shaqeynayaan qaarkood oo la beddelay inta kalena ay socoto shaqadeedu” ayuu yiri Raysal Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

Ugu dambeyntii Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa mar kale amar ku bixiyey in sida ugu dhaqsiyaha badan looga shaqeeyo hagaajinta System-ka qabooojiyaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo sidoo kale in biya macaan ay helaan dadka shacabka ah ee ka dhoofaya ama kusoo daga garoonka, isagoona mudo hal toddobaad ah u qabtay Shirkadda garoonka maamusho.