Ciidamada ammaanka ee ka howlgala deegaannada Galmudug, ayaa soo qabtay laba ka mid ah saddex eedeysane oo habeen kahor aagga deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud , dil ugu geystay hooyo iyo saddex gabdhood oo ay dhashay.
Dilka kaddib, ayaa ciidamada ammaanka sameeyeen howlgal qaatay ku dhawaad 24 saac, waxa ayna ciidamada ku guuleesteen in ay soo qabtaan labo kamid ahaa raggii dilka arxandarada ahaa u geestay hooyo iyo saddexda gabdhoos ay dhashay.
Laamaha amniga Galmudug, ayaa sheegay in wali wadaan howlgal ay ku baadigoobayaan ninka kale ee baxsadka ah, waxa ayna sheegeen saraakiisha in raggan lasoo qabtay la horgeyn doono caddaaladda , si loogu qaado kiiska dambiga ay galeen.
Dilkan ka dhacay deegaanka hoostaga Qaayib ayaa caro badan ka abuuray gudaha Soomaaliya, waxaana la sheegay in ragga dilka geestay hooyada iyo gabdhaheeda gowraceen inta ugu tageen guri ay degnaayeen, taa oo dhalisay caro xooggan .