DAAWO: Ragii dilay hooyo iyo caruurteeda oo lasooqabtay+SAWIRRO

59

Dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa maanta goob fagaare ah kusoo bandhigtay saddex eedeysane oo loo haysto inay ka dambeeyeen dil dhawaan loo gaystay hooyo iyo saddex gabdhood oo ay dhashay, kaas oo ka dhacay agagaarka deeganaka Qaayib ee gobolka Galgaduud ee bartaha Soomaaliya.

Wasiirka Amniga Galmudug Aadan Warsame Cilmi (Deeq Gargareeto) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in saddexda nin oo baxsad ahaa lagu soo qabtay howlgal qorsheysan oo ay qaaday Galmudug, wuxuuna u mahadceliyay ciidamada Booliska iyo kuwa Daraawiishta ee soo xiray eedeysanayaasha.
“Howlgalkan oo ahaa howlgal qorsheysan si fiicana looga baaran dagay ayaa waxaa lagu soo qabtay raggaas oo tiro ahaan dhammaa saddex nin, kuna eedeysan ficilka foosha xun” ayuu yiri wasiirka wasaaradda amniga maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Sidoo kale wuxuu shaaciyay go’aan cusub oo la xiiira kiiskan, isaga oo sheegay in si deg-deg ah maxkamad loo horgeyn doono eedeysanayaasha, si looga qaado tallaabo adag.

“Kiiskan wuxuu u gudbi doonaan maxkamad, wixii kasoo kordhana waan idinla wadaagi doonaa” ayuu mar kale yiri wasiirku.
Dhacdadan argagaxa leh ayaa dad badan ay ka xumaadeen, waxaana habeen hore ay ka dhacday gobolka Galgaduud, iyadoo si arxan darro ah loo dilay hooyo iyo saddex gabdhood oo ay dhashay.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay sheegay in xilliga la dilayay hooyada iyo carruurteeda ay hurdayeen, waxaana rasaas ooda kaga qaaday maleeshiyaadka oo madaxa ka wada toogtay, sidoo kalena waxaa dhaawac uu soo gaaray qof kale oo la joogay qoyska.

Allaha u naxariistee marxuumiinta ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Hooyo Sahro Cartan Xirsi iyo saddexdeeda gabdhood oo kala ah Nuurto Axmed Maxamuud, Xaawo Axmed Maxamuud iyo Faa’iso Axmed Maxamuud, wuxuuna falkaan noqday mid ay ka argagaxeen shacabka.