Al-Sisi oo sheegay inuu dulqaadkii kadhamaaday

60

Madaxweynaha Masar, Abdifatah Alsiisi ayaa maanta si toosa shaaca uga qaaday in Masar uu dulqaadkii ka dhamaaday oo ay mardanbe indhaha ka laaban doonin qaabka masuuliyad darada ah ee Itoobiya ay u dhaqmayso.

Siisi ayaa sheegay arintani ay si toosa u taabanayso nolosha in kabadan 100 milyan oo Masaari ah oo wacad ku maray iney qaadi doonaan dhamaan talaabooyinka lagama maarmaanka ah ee ay ku ilaalinayaaan danaha iyo ammaanka biyaha Masaarida.

Madaxweynaha Masaaridu wuxuu dhanka kale ugu baaqay beesha Caalamka iyo Midowga Afrika iney inta ay goori goor tahay ay talaabo qaadaan oo ay ka hortagaan talaabooyinka aan laga fiirsan ee Itoobiya ay kaligeed ku dhaqaaqayso.

Masar ayaa ka careysan biyo xireenka weyn ee Itoobiya ka dhistay webiga Nile kaasoo dhowaan xariga laga jaray, lagana dhalinayo koronto fara badan, waxayna Masar ka cabsi qabtaa in biyo xireenkaas uu yareeyo biyaha webiga Nile ee mara dalkeeda oo y ku tiirsan yihiin malaayiin masaari ah.