Madaxweyne nafsadiisa la baxsaday

57

Madaxweynaha dalka Madagascar ee dhaca xeebaha bari ee Qaarada Afrika , Andry Rajoelina, ayaa dalka isaga cararay, kaddib markii dalkaasi qeybo kamid ah gilgileen dibadbaxyo isaga looga soo horjeeday lana doonayay in xilka looga tuuro.

Dhallinyarada dalka Madagaskar, ayaa dhigay dibadbaxyo waa weyn ay uga soo horjeedeen in xukunka sii joogo Madaxweyne Andry, waxa ayna dadka dibadbaxa dhigayay ku baaqayeen in madaxweynaha xilka ka dego, iyaga oo ku eedeeyay musuqmaasuq iyo dib u dhac.

Madaxweyne Andry Rajoelina, oo la sheegay in uu u baxsaday dalka Faransiiska, ayaa shaaciyay in uu hadda joogo goob ammaan ah uusan carrabaabin, waxa uuna xusay in uu ka badbaaday isku day dil oo loo qorsheeyay iyo afgambi, sida uu tilmaamay.

Muuqaal uu Madaxweynaha soo dhigay bartiisa Facebook, ayaa ku sheegay in saraakiil ciidan iyo siyaasiyiin isaga kasoo horjeeda ay qorsheeyeen in ay dilaan, mana sheegin Madaxweynaha baxsadka ah tallaabooyinka uu hadda qaadayo maadaama uu dalka isaga cararay.

Dalka Madagaskar, waxaa hadda Madaxweyne KMG ah looga dhigay Jean André Ndremanjary, oo horey usoo noqday Ra’iisul Wasaare muddadii u dhaxeysay 1993 ilaa 1994,xilligaa oo uu ku guuleystay inuu la dagaallamo musuqmaasuqa oo sare u qaado adeegga bulshada iyo midnimada dadka Madagascar.