Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa shalay xilka ku soo dhaweeyay ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u fadhiya Koonfurta Suudaan iyo madaxa xafiiska xiriirka Midowga Afrika ee Jubba, Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas).
Guddoomiye Maxamuud Cali ayaa sheegay in khibrada dublamaasiyadeed iyo mida hoggaamineed ee Cabdiweli Gaas ay wax weyn ka tari doonto xaaladda dalka Koonfurta Suudaan oo muddooyinkii u dambeeyay uu khilaaf siyaasadeed ka dhex taagnaa dhinacyada kala duwan.
Dhanka kale Ra’iisul Wasaare hore Soomaaliya iyo Madaxweyne hore Puntland, Cabdiwelli Cali ayaa muujiyay in ay ka go’an tahay in si dhexdhexaadnimo ah oo wax ku ool ah uu ula shaqeynayo dhammaan daneeyayaasha Koonfurta Suudaan iyo saaxiibada gobolka si loo helo nabad iyo xasilooni waarta oo ka dhalata Koonfurta Suudaan.
Dr Gaas oo bishii Juun ee sannadkan la magacaabay ayaa hoggaamin doona xiriirka diblomaasiyadeed iyo siyaasadeed ee Midowga Africa ee Koonfurta Suudan, isku xirka urur goboleedka IGAD, Qaramada Midoobey, iyo hay’adaha kale ee gobolka iyo kuwa caalamiga ah, wuxuuna taageeri doonaa hirgelinta heshiiskii 2018 ee xalinta colaadaha Koonfurta Suudaan.
Dalka Koonfurta Suudaan ayaa ah waddanka ugu da’da yar Qaaradda Afrika, wuxuu xorriyadda ka qaatay Suudaan sannadki 2011-ki, taas oo ka dhigtay dalka 54-aad ee waddamada madaxa-bannaan ee xubnaha ka ah Midowga Afrika.