Warqad uu Cirro aqoonsi kaga codsaday madaxda caalamka oo la helay

84
cabdiraxmaan ciro
cabdiraxmaan ciro

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa si rasmi ah ugu diray warqad madaxda caalamka, gaar ahaan Madaxweynaha Maraykanka Donald J. Trump, isaga oo ka codsaday in Somaliland loo aqoonsado dal madax-bannaan oo buuxa.

Warqadda oo cinwaankeedu yahay “Codsi ku saabsan Aqoonsiga Rasmi ah oo la siiyo Jamhuuriyadda Somaliland”, ayaa madaxweynuhu ku faahfaahiyay sababaha taariikheed, sharci iyo bani’aadantinimo ee Somaliland ugu qalanto aqoonsi caalami ah, isagoo xusay in aqoonsigu aanu keenayn khalkhal, balse uu “xoojin doono nabadda iyo wada noolaanshaha gobolka.”

Madaxweyne Cirro ayaa warqaddiisa ku bilaabay salaam sharaf iyo qadarin uu u diray dowladda iyo shacabka Maraykanka, isaga oo sheegay inuu wakiil u yahay “ummad geesi ah, adkaysi leh, oo nabad jecel,” taas oo muddo dheer sugaysay inay “booskeeda ka hesho bulshada caalamka.”

Madaxweynuhu waxa uu xusay in Somaliland “ay ahayd dal madax-bannaan 26-kii Juun 1960,” isla markaana “ay aqoonsadeen in ka badan 35 dal oo xubno ka ahaa Qaramada Midoobay iyo Ururka Barwaaqo-Sooraanka.” Wuxuu tilmaamay in “midowgii ay la gashay Soomaaliya uusan ahayn mid sharciyeysan, isla markaana aan marnaba lagu ansixin rabitaanka shacabka Somaliland.”

Warqadda ayaa sidoo kale lagu sheegay in shacabka Somaliland ay “xorriyadooda ku soo dhacsadeen halgan hubaysan oo uu hormuud ka ahaa ururkii SNM,” isla markaana ay ahaayeen “beeralay dagaalyahanno noqday, hooyooyin dulqaad badan, iyo odayaal isu beddelay siyaasiyiin.”

Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in tan iyo markii Somaliland gooni-isugtaaga ku dhawaaqday 1991, ay “dhisatay dowlad dimuqraadi ah oo nabad ah,” isla markaana ay qabatay “doorashooyin xor ah, garsoor madax-bannaan, iyo bulsho rayid ah oo firfircoon,” iyadoo aan helin taageero ama faragelin caalami ah.

Isagoo ka hadlayay muhiimadda istaraatiijiyadeed ee Somaliland ayuu yidhi: “Goobta aan kaga naalno Badda Cas waxay Somaliland ka dhigaysaa meel muhiim u ah ammaanka iyo ganacsiga gobolka. Waxaan nahay saaxiib dabiici ah oo la dagaallama argagixisada iyo budhcad-badeedda, kana shaqeeya xasilloonida gobolka.

“Dekedda Berbera waxay noqotay xarun ganacsi istaraatiiji ah oo isku xidha Bariga Afrika, Gacanka Cadmeed, iyo dalal kale oo caalamka ah” ayuu yidhi.

Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in aqoonsiga Somaliland uu yahay “waajib sharci, mid akhlaaqeed, iyo mid istaraatiiji ah,” isagoo sheegay in “diidmada aqoonsigu ay dhaawac ku tahay qiyamka caddaaladda, iyo xuquuqda dadka.”

Warqadda oo ku taariikheysan 17-ka May 2025, ayaa lagu saxeexay magaca Madaxweynaha Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxaana la sheegay in nuqulkeeda loo gudbiyay 120 dal oo ay ka mid yihiin Maraykanka, Ingiriiska, Imaaraadka Carabta, iyo qaar kale oo reer Galbeed iyo Bariga Dhexe ah.