
Nin Soomaali ah oo magangalyo doon ah, kana diiwaangashan afar dal oo Yurub ah, ayaa qirtay inuu dilay mulkiilaha maqaayad ku taallay magaalada Derby ee dalka Ingiriiska, kaasoo lagu toogtay gudaha bangi ku yaalla bartamaha magaalada bishii May.
Haybe Cabdiraxmaan Nuur, oo 47 jir ah, ayaa qirtay inuu dilay Gurvinder Singh Johal intii lagu jiray maxkamadayntiisa oo ka dhacday Derby Crown Court bishii Agoosto, waxaana shalay lagu sii dhageystay xukunkiisa halkaas oo lagu soo bandhigay muuqaallo CCTV ah oo muujinaya weerarka.
Weerarku wuxuu dhacay 6-dii May abbaaro 2:32 duhurnimo, wax ka yar laba saacadood kaddib markii Nuur uu wacay hay’ad samafal oo taageerta muhaajiriinta, isagoo ku hanjabay inuu dili doono 500 qof ka hor inta uusan isdilin.
Ninkaan ayaa horey codsigiisa magangalyada loo diiday afar maalmood gudahood kadib markii la ogaaday in uusan lahayn sabab sharci ah oo uu magangelyo ku dalbado, maaddaama uusan ahayn qof la tahriibiyey. Waxaana lagu soo rogay xabsi magangalyo ah oo mamnuucaya inuu shaqeeyo.

Dacwad oogaha ayaa sheegay in ninkan uu horey uga galay dambiyo badan dalal Yurub ah ka hor inta uusan gaarin Ingiriiska. Dalka Talyaaniga, waxaa lagu xukumay hal sano oo xabsi shuruudaysan ah bishii May 2023 kaddib markii lagu helay dambiyo ay ka mid yihiin dhaca, weerar dhaawac keenay iyo iska caabin boolis.
Booliiska Faransiiska, Luxembourg, iyo Jarmalka ayaa sidoo kale xabsiga dhigay dambiyo fudud sida xatooyo dukaameed, inkastoo aanu ku xukunmin dalalkaas.




















