Rag loo soo xiray dilkii iyo gubistii nin dhimirka la’ ee ka dhacay Wanlaweyn

63

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigeen saddex nin oo loo heysto dhacdadii argagaxa lahayd ee dhawaan ka dhacday duleedka degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo nin dhimirka ka xanuunsanaa lagu dilay kadibna meydkiisa la gubay.

Marxuumka oo lagu magacaabay Isxaaq Daa’uud Maxamed, ayaa lagu jir-dilay deegaanka Dudumaay galabnimadii Jimcaha, waxaana muuqaal laga duubay falkaasi naxdinta leh uu si weyn ugu faafay baraha bulshada, taasoo kicisay caro iyo dareen murugo leh oo bulshada Soomaaliyeed ah.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in howlgal wadajir ah oo ay fuliyeen ciidanka militariga Soomaaliya iyo kuwa Booliska ee Darawiishta Koonfur Galbeed uu horseeday in la soo qabto eedeysanayaasha falkaasi gaystay.

Taliyaha ciidanka lugta Soomaaliya, Janaraal Khaalid, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ragga la soo xiray lagu kala magacaabo Saalax Xuseen Cali, Cabdixamid Cabdullaahi Siidow iyo Dahir Mukhtaar Shiribow.

Janaraalka ayaa sidoo kale sheegay in eedeysanayaasha lagu wareejiyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, si cadaaladda loo marsiiyo, isagoo ku nuuxnuuxsaday in dowladdu aysan oggolaan doonin in falal arxan-darro ah oo noocan oo kale ah ay ka dhacaan gobollada dalka.